Dawro loo qabtay qayb ka mid ah Ardayda Mac-hadka Ibnu Xajar oo soo gabagabowdey.[Masawiro]

February 28, 2014 - Written by Editor

IMG_1712Boosaaso: Mac-hadka Ibnu Xajar oo kaashanaya Mu’ssasada Al-minhaaj faraceeda gobolka Bari, ayaa manta oo taariikhdu tahay 28/02/2014 waxaa uu soo gabagabeeyey dawro uu uqabtay arday gaareysa 200, oo arday oo kamidah ardayda mac-hadka. Dawradan oo socotey labo maalmood ayaa ardaydu waxay ku qaadanayeen duruus kala duwan kana mid ahaayeen: habka wax loo jeedsho, Habka khudbadda loo diyaarsho, Iskaa wax uqabso, Alle xagiis oo dadka loogu yeero, habka loo qoro cilmi barista, Farqiga u dhaxeeya kooxaha lunsan iyo jamaacaadka islaamiga ah, iyo dardaaramo wax ku ool ah oo ay so jeedsheen qaar kamidah culuma udiinka soomaaliyeed.

Gunaanadkii dawrada oo dhacday galabtay ayaa waxaa kasoo qaybgalay: maamulka mac-hadka, masuuliyiin ka socotey mu’assada Al-min haaj iyo hormuudka kulliyadda shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika.Ugu horreyntii waxaa madasha lagu furay qaddar ka mid ah Quraanka Kariimka ah oo uu akhriyay arday kamidah ardadii ka qaybqaadanaysay dawrada, kadibna waxaa hadalka qaatay arday ku hadlayey magaca ardayda kasoo ammaan uu uso jeedshay mac-hadka iyo mu’assada Al-minhaaj ee soo qabanqaabshay  dawradaan, wuxuuna sheegay inay aad uga faa iidaysteen ayna jeclaan lahaayen in dawraad badan oo noocan ah loo qabto.

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay maamulaha Mac-hadka Sheekh Siciid Dayib wuxuuna aad ugu guubaabiyey ardaydii dawradaan ka qaygashay inay waxay barteen ku dhaqmaan bulshadana gaarsiyaan, intaas kadib waxaa hadalka qaatay hormuudka kulliyada shareecada ee JBA Ustaad Jaamac Maxamed Xassan kaaso aad ugu dheeraaday cilmiga iyo fadligiisa wuxuuna ardayda ka qalanjabinaysa mac-hadka u ballanqaaday in Jaamacaddu gacma furan kusoo dhawaynayso ayna ardayda macaahidda uqaban doonto barnaamijyo lagu kobcinayo garaadkooda iyo aqoontoodaba.

no images were found

Ugu danbayntii waxaa xafladda ka hadlay guddomiye ku xigeenka mu’assada Al-minhaaj Ustaad Ciise Siciid Maxamed wuxuuna ku boorriyey  ardayda inay dacwada iyo horimarinta bulshada ka qaybqaataan, isagona ballan qaaday inay sii wadi doonaan dawraadka noocaan oo kale ah.

Mu’ssasada Al-minhaaj
Boosaaso,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online