DFS oo sheegtay in la wareegtay deegaanka Gendershe ee Gobalka Shabeelaha Hoose
February 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Saraakiil u hadlay DFS ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay saaka la wareegeen deegaanka Gendershe oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu dhacay saaka waxaana ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaan ka Gendershe oo ah halka ay weerarada ka soo qaadi jireen kooxada Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan DFS.
Ciidamada saaka qabsaday deegaanka Gendershe ayaa waxaa hogaaminayey Abaanduulaha ciidamada DFS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ee dowlada Soomaaliya. Abaanduulaha ciidamada DFS Gen C/risaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Gendershe wuxuuna sheegay in howlagalada ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay sii socon doonaan.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Deegaanka No.50 C/laahi Waafoow,ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ka gudbeen Deegaanka Gendershe,ayna ku sii jeedaan deegaano kale oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheegatay dowlada Soomaaliya
A/Cawle
Halgan.net