Dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax hal sano ka dib! W/Q Sh Axmed Cabdi Samed
February 17, 2014 - Written by EditorMaalmihii madoobaa ee soo maray taariikhda muslimiinta ee iila dareenka badnaa waxaa ugu weynaa maalintii uu geeriyooday Rasuulkeenii Muxammad عليه الصلاة والسلام . Qalbiga, isha iyo jirkaba si midaysan ayay iiga saamaysaa xusuusta geeridii Nabigu صلى الله عليه وسلم gaar ahaan markaan akhriyayo dhacadaas lama illaawaanka ah.
Maalmaha kale ee aadka ii xanuujiyey waxaa ka mid ahaa maalmihii la laayey khulafadii waaweynaa ee muslimiinta (Sayid Cumar, Sayid Cali iyo Sayid Cuthmaan oo dilkiisu iigu xanuun iyo xusuusba badnaa.
Maalmaha miskaxdayda ka go’i waayey waxaa ka mid ahaa maalmihii xasuuqa lagu wadey ciidamadii daacadda u ahaa khalaafadii islaamiga ahayd ee Turkiga iyo maalmihii Ingiriisku qayb Falastiin ka mid ah ku wareejiyey Yuhuudda oo ay qaybtii faaftiiniyiinta lagu wareejiyey magaalo magaalo u qabsanayeen, dadkii daganaana xasuuqayeen.
Muddo 1/3 qarni ka badan oo aan la noolaaday dhibaatooyinkii isdabajoogga ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ku habsaday waxay igu reebeen dareen iyo xusuus aan la hilmaami karin laakiin nin baa laga sheegay wixii oo dhan “Kufu’an baa isku fuuqsatay”.
Aniga oo ogaa in Sheekh C/qaadir dhimanayo, waliba qaba dareenka in ay Al-shabaab dili doonaan, haddana dilka Sheekhu wuxuu noqday musiibadii iigu naxdinta, dareenka iyo xusuusta badnayd laakiin waxaa i sabarsiinayey goobta, xilliga, camalka iyo habka uu u dhintay. Waxaa intaa dheeraa in Sheekha laftiisu isu diyaariyey la kulanka Rabbigiis oo xilliyadii noloshiisa ugu dambaysay uu wadey dardaaran ficil iyo qawlba ah.
Waxaa kale oo sabarsiin ii ahaa aniga iyo intii Sheekha jeclaydba sababta Sheekha loo dilay iyo ducadii ummaddu ku riday.
Sheekha Ilaahay dambigiisa ha dhaafo
Way socotaa …..
W/Q Sh Axmed Cabdi Samed