Dowladda federaalka saraakiisheeda oo lagu eedeeyay iney hubka u gudbiyaan Al-Shabaab.
February 13, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Warbixin ay diyaarisay kooxda qaramada midoobay u qaabilsan la socodka hubka ee lagu magacaabo Monitoring Group, ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwo u dhashay beesha madaxweynaha, ay hub u gudbiyaan Al-Shabaab.
Warbixinta, ayaa lagu sheegay in ragga Al-Shabaab ka tirsan ee hubka loo gudbiyo uu ka mid yahay Yuusuf Kabakutukade oo Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Sh/dhexe.
Warbixinta UN Monitoring Group, ayaa caddaysay in hub ka yimid Uganda iyo Jabuuti laga waayay bakhaarada dowladda federaalka, sidoo kalana waxaa la waayay hub dowladdu kasoo iibsatay Itoobiya.
Eedeyntan loo soo jeediyay dowladda federaalka, ayaa ah mid culus, taasoo jawaabteeda laga dhowrayo dowladda, iyadoo marar hore sidan oo kale loo eedeeyay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Halkan ka Akhriso Warbixinta UN Monitoring Group ka qortay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.
Halgan.net/Somalireal