Maamulka Gal-Mudug oo soo bandhigtay nin xalay weeraray Makhaayad ku taal Waqooyiga Gaalkacyo.[Dhagayso]

February 26, 2014 - Written by Editor

galmudugGaalkacyo:-Taliska Qaybta Booliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali oo saaka la hadlay saxaafadada ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey labo nin oo dhalinyaro ah oo xalay weerar hubaysan ku qaaday Makhaayarda dad rayid ah ay ku shaahaynayaan oo ku taala xaafadda Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Taliska Qaybta Booliska maamulka Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen xalay ay ku soo qabteen mid ka mid ah dhalinyaradii weerarka ka geystay  xaafadda Garsoor uuna yahay xubin ka tirsan Ururka Al-shabaab halka mid kii kale ay ku daba jiraan.

Ninka dhalinyarada ah ee loo qabtay falkii xalay ka dhacay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa lagu magacaabaa C/xakiin Xasan Xaamud, da’diisuna waa 16 jir halka ninkii kale ee falka kula jiray weli lagu raad joogo. Taliska Qaybta Booliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali  ayaa xusay in falkaan weerarka ah ay soo abaabuleen ururka Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin diinlaawayaal dadka shacabka laaya iyagoo u jeedadoodu ay ahayd in shacabka ku dhex nool labada maamul ay iska horkeenaa oo colaad ay ka dhex abuuraan.

Taliska Qaybta Booliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali  ayaa waxaa kale oo uu soo bandhigeen hubkii uu wax ku dilay  eedaysanaha iyo liis ay ku qoran yihiin dadka Al-shabaab ugu qoran dilka ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Hoos ka Dhagayso shirka Jaraa’id ee Taliska Qaybta Booliska Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali

M_M_Deeq/Halgan.net
Codka/Radio Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online