Golaha Wasiirada ee DFS oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho (Warsaxaafadeed)

February 8, 2014 - Written by Editor

IMG_5951 (2)Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray qorshe howleedka Wasaaraddaha, waxaana maanta qorshayaashooda soo bandhigay Wasaaraddaha Garsoorka iyo Dastuurka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Isgaarsiinta, Dekedaha iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana Wasiirada Wasaarahani ay ku dheeraadeen qorshayaashooda waxqbad, gaar ahaana aragtiyo cusub oo ay ku soo kordhin doonaan  Wasaaradaha.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaheeda waxqabad, waxaana Wasiirka Wasaaraddu uu balan qaaday in shaqaalaha dawladda ay tayeyn iyo kordhinba ku sameyn doonaan isla markaana heli doonaan xaquuqdooda shaqaale-nimo oo dhameystiran.

Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka ayaa isna soo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda ayaa sheegay in uu xooga saari doono doono adkeynta iyo tayaynta Garsoorka iyo Cadaalada, wuxuuna xusay in dib u habeyn lagu sameyn doono dhamaan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka iyo Cadaaladda. Isaga oo dhanka kale balan qaaday in la furi doono sanadkan gudihiisa dugsi tababar arrimaha Garsoorka.

no images were found

Sidoo kale, Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ka mid aheyd Wasaaraddaha soo bandhigay howl-qabadkooda, waxaana madaxda Wasaaraddu ay sheegeen in horumarin lagu sameyn doono dhamaamba isgaarsiinta dalka talaabada ugu horeysana ay ku hirgelin doonaan in dhamaan shirkaddaha isgaarsiintu ay isu gudbin karaan qadadkooda telefoonada, si dadweynaha ay ugu fududaato in qofkii heysta 1 Sim-card uu la xariiri karo dhamaamba shirkaddah kale ee dalka.

Dhanka kale, Wasaaradda Dekeddaha ayaa soo bandhigtay qorshe howleedkeeda waxayna tilmaameen in Wasaaraddu howlaha muhiimada gaarka ah ay siin doonaan ay tahay sidii loo ballaarin lahaa baaxada iyo adeegyada dekeddaha dalka Soomaaliya.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online