Golaha Wasiirada Puntland oo maanta la dhaariyey (Masawiro+Dhageyso)

February 1, 2014 - Written by Editor

8Garoowe:-Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa maanta waxa lagu dhaarshay xubnaha wasiiradda dowladda Puntland oo todobaadkii tagay lagu dhawaaqay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goob joog ka ahaa ku xigeenka Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar, Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud.

Wasiiradda ayaa waxa dhaarshay garsoorayaal ka socday maxkamadda sare.

Kalmaddo dardaaran ah ayaa Wasiiradda loo soo jeedshay ,waxana uu Gudoomiyaha Barlamanku sheegay in mudanayaashu la xisaabtami doonaan xukuumadda.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna kula dardaarmay wasiiradda inay daacadnimo ku shaqeeyaan islamarkaasina dhowraaan Kitaabka ay mareen maanta.

Ugu danbeyntii ayaa Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu wasiiradda cusub ee Puntland ku booriyay inay si hufan u qabsadaan shaqada loo igmaday, isagoo kula dardaarmay wasiiradda inay iska ilaaliyaan Musuq-maasuqa islamarkaasina ay dhawraan hantidda dadka iyo dalka.

no images were found

Madaxweynuhu wasiiradda ayuu u sheegay inay shaqadooda u madax banaanyihiin islamarlaasina wixii talo ama taakulo ah ay diyaar ula yihiin, isagoo raaciyay inuu soo dhoweynayo la xisaabtanka Barlamanka xukuumadda muddo markii la joogoba.

Hoos ka Dhageso Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay Golaha wasiirada Cusub Ee Puntland

Halgan.net
Somalireal

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online