Golaha Wasiiradda Puntland oo ka shiray amniga iyo horumarinta[Cod/masawiro]

February 17, 2014 - Written by Editor

IMG_0664Garoowe:-Golaha wasiiradda Puntland ayaa Madaxtooyada magaalada Garowe ku yeeshay shirkoodi todobaadlaha ahaa, waxaana shir gudoominayay madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. In ka badan 40 xubnood ayaa soo xaadirtay kulankan uu joogay sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar, waxana markii uu soo idlaaday saxaafadda hadal kooban siiyay agaasimaha guud ee Madax tooyadda Dr. Deeq Saleebaan Yusuf.

Agaasimaha ayaa sheegay in goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka amniga taasi oo ku saabsanayd Nabadgelyada guud ee dalka iyo baahida loo qabo inay wada shaqeeyaan laamaha amaanka iyo dadweynuhu.Wasaaradda Gadiidka iyo hawlaha guud oo soo gudbisay xeerka Xamuulka ayaa wasiiradu ka doodeen, sidoo kalena waxa la isla qaatay diiwaangelinta gaadiidka dowladda iyo diwaangelinta wadayaasha (Dareewaladda) si loo dhawro hantida dowladeed.

Waxa Goluhu isla meel dhigay qodob horey uu soo jeedshay madaxweynaha Puntland oo ahaa in la diiwaangasho hantida gaarka ee uu leeyahay masuulka dowladeed si ay qayb uga noqoto la-dagaalanka musuq-maasuqa.

Buundada Sunijiif oo dhowaanahan jabneyd ayaa Madaxweynuhu dhagax dhigi doona si loo bilaabo hawsha dib u dhiskeeda. Waxana dib loo furey mashaariicdii Puntland ka socday sida JPLG iyadoo xukuumadda fasaxday bixinta qoondeynta 10% ee ku soo aadantay.

no images were found

Ugu danbeyntii ayaa agaasimaha guud uu sheegay in wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland ay maalinka beri ah u bixi doonaan dhanka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal halkaasi oo qoysaskii duufaantu wax yeeshay loogu qaybin doono mucaawino ka timid dalka Turkiga.

Hoos ka Dhagayso Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Dr.Deeq Saleebaan Yusuf oo la hadlay saxaafadda

-Dhamaad-

Xafiiska madaxwaynaha Puntland.
Halgan.net, Garoowe

 

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online