Golaha wasiiradda Puntland oo maanta ka shiray amaanka iyo Beeraha [ Masawirro]

February 24, 2014 - Written by Editor

IMG_0650Garowe:-Gollaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo maanta yeeshay shirkoodi todobaadlaha ahaa ayaa ka shiray amaanka guud ee dalka iyo horumarinta beeraha Puntland. Ku simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa shir gudoominayay, waxana golluhu dhamaa 34 Xubnood.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa golluhu ka dhageystay warbixin ku saabsan nabadgelyadda dalka, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amaanka gudaha iyo u toog-haynta hawlgallada ka socda Koonfurta dalka.
Wasiirku waxa uu sheegay baahida loo qabo feejignaan dheeri ah laaamaha amaanka maadaama Al-shabaab looga soo adkaaday Koonfurta oo firxadkoodu gabaad ay ka dhigan karaan deegaanada Puntland.

Gollha ayaa sidoo kale waxa warbixin dheer u soo gudbiyay wasiirka beeraha Puntland oo uu kaga hadlay qorshihiisa ku aadan horumarinta beeraha Puntland.Wasiirku waxa uu xusay in dhowaan laga hirgelin doono dekeddaha iyo kantarooladda Puntland shaybaaro lagu hubiyo tayada raashinka la soo gelinayo dalka.

no images were found

Ugu dambeyntii ayaa gollaha wasiirada Puntland ay isla qaateen qodob ku saabsanaa safaradda masuuliyiinta kala duwan ee dowladda  dalka dibadiisa inay yihiin kuwo la isla ogyahay.

DHAMAAD –

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online