Guddiga amniga gobolka Nugaal iyo taliska booliska Puntland oo kulan ku qaatay Garoowe
February 2, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Guddiga amniga gobolka Nugaal iyo taliska booliska Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta caasimada Puntland waxaana kulankooda laga soo saaray go’aan lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhexwato Garoowe.
Taliska ciidanka Booliska ee Puntland ayaa sidoo kale u digay askarta ilaalada ka ah qaar ka mid ah Masuuliinta Puntland waxayna uga digeen in ciidamadooda ay hub la dhexmaraan wadooyinka magaalada Garoowe.
Kulanka maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka soo qeybgalay Taliyaha ciidanka booliska Dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf iyo saraakiil kale oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland.
Shacabka magaalada Garoowe ayaa ku wareeray ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada Puntland oo hub iyo Tikniko ku dhexwata gudaha magaalada waxaana ciidanka ay qeyb ka ahaayeen sugida amaanka xiligii ay doorashadu socotay.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa isna goobta ka hadlay waxaana uu sheegay in dib loo howlgalin doono ciidamada xaafadaha ee amniga wax ka sugi jiray
M_M Deeq
Halgan.net