Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka gobalka Sh/ hoose oo gaarigiisa la qarxiyey
February 10, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaweyd la qarxiyey gaari uu watay Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka gobalka Shabeelaha Hoose Axmed Mudane oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho waxaana uu qaraxu ka dhacay maqaayada Goolis Horteeda oo ku taala Daarta tareebiyaano ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Gobalka Shabeelaha Hoose Axmed Mudane ayaa warar hordhac ah waxay sheegayaan in walxaha qarxa loogu rakibay gaarigiisa waxaana soo gaaray dhaaway halis ah .
Ciidamo ka tirsan DFS iyo Kuwa AMISOM ayaa soo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay iyaga oo xiray dhamaan wadada Makka Al-Mukarama .
Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo dhaawaca soo gaaray Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose Axmed Mudane.
Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaan wili ka hadal qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dhaawacay Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose Axmed Mudane
Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay qarax lagu dhaawacay Guddoomiye kuxigeenka dhanka ammaanka Gobalka Shabeelaha hoose .
A/Cawale
Halgan.net