Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo kulmay.[Masawiro]

February 6, 2014 - Written by Editor

6Muqdisho:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa manta xafiiska ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo wafdi uu hogaaminayo ay saakay Muqdisho soo gaareen.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn tilmaamay in xafiiskiisa iyo magaalada Muqdisho uu kusoo dhawey nayo Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali iyo wafdigiisa waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka muujiyey tiiraanyada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriirta geerida Allaha u naxariistee marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore
ee Dalka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliye Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa kulanka ka sheegay in magaalada Muqdisho uu u yimid ka qeybgalka aaska allaha u naxariistee Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu ka mahad celiyey soo dhaweyntiisa magaalada Muqdisho.

no images were found

Soo dhaweyntaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay wada qaateen kulan gaar ah oo socday mudo ka badan saacad kaasi oo ay uga wada hadleen wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland.

DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee
Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online