Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo gaaray Tehran xarunta dalka Iran

February 17, 2014 - Written by Editor

IMG_2517Tehran:-Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xalay soo gaaray magaalada Tehran ee Caasimadda Dalka Iran.

Gudoomiyha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ay ka mid tahay Marwadiisa Marwo Xaawo Ibraahin Aadan ayaa waxa ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha magaalada Tehran abaare 3:00AM gelinkii dambe waqtiga Tehran waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey gudoonka Baarlamaanka dalkan Iiraan,xildhibaanno ka tirsan.

Baarlamaannada Soomaaliya iyo Iiraan iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Tehran Danjire Khaliif Kadiye Muuse.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxaa la dejiyey Hotelka Persian Azadi Hotel oo ah halka loogu talagalay inuu ka dhaco shirweynaha 9aad ee dalalka Iskaashiga Islaamka OIC Baarlamaannadooda ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka halkan kulammo gaar gaar ah ku yeelan doono.

no images were found

Kulammada kulanka ugu horeeya waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka saakay la qaadan doonaa waqtiga Tehran 2:00PM dhigiisa dalkan Iran Ali Larajani oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Turkey,Qatar,Kuwait iyo dalal kale oo Afrika iyo Carabtaba ah.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online