Hoobiyaal caawa loo qeybiyey xaafadaha magaalada Muqdisho

February 3, 2014 - Written by Editor

muqdisho-dagaalMuqdisho:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hoobiyaal lagu tuuray xaafado ka mid ah Degmooyinka magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah xaafadaha ay hoobiyaasha ku dhaceen Wardhiigley, Boondheere, Xamar-jajab,Xamar-weyn, iyo Wadajir.Hoobiyaasha caawa lagu tuuray xaafado ka mid ah Muqdisho ayaa waxaa kale oo ay ku dhaceen xarunta Bisha Cas ee magaalada Muqdisho ,Ceel-gaabta , agagaarka Tiyaatarka, Agagaarka Zoope,Agagaarka Xarunta Gobolka Banaadir iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa caawa howlgalo ka wada magaalada Muqdisho  ilaa haatana lama yaqaan khaasaraha ay geysteen hoobiyaasha ay Al-Shabaab caawa u qeybiyeen xaafadaha magaalada Muqdisho. Warar ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegaya in hoobiye ku soo dhacay agagaarka xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka DFS ayaan ilaa haatan wax war ah ka bixin hoobiyaasha lagu garaacay magaalada Muqdisho

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online