IGAD oo sheegtay inay sii xoojineyso taageerada dawladda Federaalka Soomaaliya

February 24, 2014 - Written by Editor

IMG_0728Muqdisho, February 24, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dhambaal tacsi ah oo uu ka siday urur goboleedka IGAD, kaas oo ku aadan falkii fulaynimada ahaa ee lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda, waxaana uu caddeeyey in ururka IGAD uu sii wadi doono taageerada looga qeyb qaadanayo xasilinta iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed Maxamed ayaa uga mahad celiyay urur goboleedka IGAD taageerada joogtada ah, waxaana uu yiri: “Waxaan caddeeynayaa in Xukuumaddu ay ka go’antahay xasilinta dalka iyo ka hortaga kooxaha nabadiidka ah ee halista ku ah amniga shucuubta Soomaaliyeed iyo kuwa gobolka.

Danjire Affey ayaa isna yiri “Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamku inay si dhab ah u garab istaagaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni buuxda iyo deganaansho.

—DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online