Jabhadda Islaamiga ee Suuriya oo ka hadashay dilka Sheekh Abu Khaled Al-Suuri.[Daawo]

February 24, 2014 - Written by Editor

sawirSuuriya:-Madaxa dhinac Siyaasadda ee Jabhadda Islaamiga Sh.Xassaan Cabuud ayaa waxaa uu waraysi gaar ah oo uu siiyey Tv- Al-jazeera uga hadlay dilka loo geystay Sheekh. Abu Khaled Al-Suuri oo lagu dilay magaalada Aleppo ee dalka Suuriya isagoo sheegay in dilka ay fuliyeen kooxda Jabahadda Islaamiga iyo Shaam.

Sheekh.Xassaan Cabuud ayaa sheegay in kooxda Jabahadda Islaamiga iyo Shaam ee loo yaqaan Daacish ay ka danbeeyaan dilka Sh.Abu Khaled Al-Suuri ka dib markii ay qaadeen dariiqii Khawaarijta ayna gaalnimo iyo Rido ay ku rideen Muslimiinta Suuriya iyo madaxdii ururadda Islaamiga ah ee Dagaalka kula jiray Dowladda Suuriya si ay kooxaha kale meesha uga saaraan.

Sh.Xassaan Cabuud ayaa sheegay in dilka Sheekh. Abu Khaled Al-Suuri uusan joojin doonin dagaalka ay kula jiraa Dowladda Suuriya ayna wax niyad jab ah ku keeni doonin xoogga Islaamiyiinta ayna qaadi doonaa talaabooyin amni oo ay ku ilaalinayaan in si dhagar ah lagu layn madaxdooda.

1Sheekh. Abu Khaled Al-Suuri waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Mujaahidiina Ahrar al-Sham waxaa dilay labo ka mid ah Khaawrijta dhibaatada ka wada Suuriya ka dib markii ay weerar is qarxin la beegsadeen xarunta ay lahaayeen Mujaahidiina Ahrar al-Sham .

Mujaahidiinta Ahrar al-Sham oo ka mid ah Jabhadda Islaamiga ee dalka Suuriya ayaa guulo badan ka soo hoysay dagaalka ay kula jiraan dowlada Suuriya ee uu madaxweynaha u yahay Bashaar Asad. Dilka Sh.Abu Khaled al-Suuri ayaa ururadda Islaamiga ah waxaa ay ku tuhun san yihiin in ay ka dambeeyeen kooxda Jabhadda Islaamiga iyo Shaam loona yaqaan Daacish waxaana socda baaritaano ay wadaan kooxaha Mujaahidiinta ee dalka Suuriya .

Hoos ka Dhagayso waraysigii uu Sh.Xassaan Cabuud siiyey Tv-ga Al-Jazeera

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online