Ku Simaha Madaxweynaha DFS Prof Jawaari oo Hambalyo u diray Ciidammada Badda Soomaaliyeed “[DaawoVideo]”

February 10, 2014 - Written by Editor

Prof-JawaariMuqdisho:-Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Badda Soomaaliyeed sanad guurrada 49aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Mudaneyaal, Shacbiga sharafta leh, maanta oo ay tahay 10ka bisha February-2014 waa maalintii la aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Ciidammada Xoogga Dalka,waa sanadkii 49aad ee kasoo wareegatay maalintii la aas aasay oo maanta waa ay 49sano jirsadeen, Ciidanka Badda iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay HAMBALY, HAMBALYO, HAMBALYO iyo sanad guurro wanaagsan”.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada wado qorshe la xiriira sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa si uu awood buuxda ugu yeesho inuu noo ilaaliyo Baddeenna oo ah bad dhererka baaxadeedu aad u ballaaranyahay islamarkaana ah buu yiri badda ugu xeeb dheer ee Afrika waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya aysan laheyn wax machad ah oo daraasaad ku sameeya arrimaha badda.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaanna Ciidammada Badda waxaa mas’uuliyad ay ka saarantahay ilaalinta baddeenna ma ahan kaliya in cadaw laga ilaalinayo ee waa in kheyraadkeedana la ilaaliyaa,Alle waxa uu nagu maneystay kheyraad ka badan umadda Soomaaliyeed si ay shacbiga Soomaaliyeed uga faa’ideystaanna waa lagama maarmaan in la ilaaliyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha Madaxweynaha Dalka.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha DFS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey in Ciidammada Badda Soomaaliyeed uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda,sidoo kalena shacbiga Soomaaliyeed ayuu ka codsaday inay Ciidammadooda la shaqeeyaan.

Hoos ka Daawo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online