Kulan ducaada Johannesburg ay ku yeesheen xarunta Majliska Al-bayaan.[Masawiro]
February 17, 2014 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa kulan ku yeeshay magaalada Johannesburg ee dalkan koonfur afrika maalintii khamiista 13/02/2014 bacdal maqrib ducaada magaalada, kulankaas oo ka dhacay xarunta albayaan. Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyeen gudiga dacwada gobolka Gauteng waxaana looga arinsanayey qorshaha sanadka cusub ee dacwada iyo in ducaada magaalada ay ka dhiibtaan fikirkooda qorshahaas oo ay soo bandhigeen gudiga dacwada.
Qorshaha ay soo bandhigeen gudiga dacwada ayaa waxaa uu ka koobnaa dowraad, muxaadaraad, nadawaad, safarodacwadeed, siminaaro, shirar qaybaha kala duwan ee bulshada lala yeesho, duruus xalaaqaadka masjidka, iwm
Qorsha dacwadeedka ayaa waxaa uu socon doonaa mudo lix bil ah, fikrada qorshaha ayaa waxaa soo bandhigay madaxa dacwada gobolka Gauteng ee Majliska Al-bayaan Sh. Maxamed Aadan Cabdile, dhamaan raggii ka hadlay qorsha dacwadeed ayaa si wanaagsan u taageeray soona dhaweeyey in la dajiyo qorshe dacwdadeed cusub sanadkasta.
Ducaadda shirka ka qaybgashay ayaa waxaa ay soo jeediyeen dhamaantood talooyin ,mulaaxadaad iyo naseexooyin Shirka ayaa waxaa shir gudoominayey Sheekh Maxamed Maxamuud oo ka mid ahaa gudiga dacwada, waxaa lagu furayAayaad qur,aan oo uu akhriyey Sheikh Shariif oo asagana ka mid ah gudiga dacwada, waxaa kale oo kalimadii furitaanka lahaa Macalim Cali ibraahim Cali oo ah imaamka masjidka soomaalida ee Johannesburg imaamu shaafici kana mid ah gudiga dacwada oo ka hadlay ahmiyada dacwada , waxaa ugu danbaystii soo gabagabeeyay shirka Sh.C/samad Seed oo ka mid ah aasaasayaasha majliska dacwada ee Al-bayaan, waxaa kale oo goob joog ahaa kulanka Sh.Qaasim Cabdi Hayaan oo ka mid ah gudiga dacwad.
Ducaadii ka hadashay shirka ka sakoow arrimaha dacwada waxay kale oo si aad uga hadleen waxyaabo badan oo dhibaato ku ah jaaliyada soomaalida ee Koonfur afriko una baahan in wax laga qabto, arintaa oo loo balamay.
Uga danbaystii waxaa uu ku soo gabagabooyay shirkaasi jawi aad u fiican iyo in lagu balamay wax qabad allah lagu talasaaranaayo, waxaa uu ahaa kulankan ay isugu imaadeen ducaada johannesburg kii ugu horeeyay sanadkan.
Waxaa diyaariyey Madaxa Dacwada
Al-bayaan ee Gobolka Gauten
Sh Maxamed Aadan Cabdile