Kulan looga hadlayo amniga oo ka dhacay magaalada Garoowe[Masawiro]
February 11, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Maxamuud Aloore ayaa waxaa uu ka qayb galay shir ay iskugu yimaadeen maamulka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidanka Nabadoono , Cuqaal, dhalin yaro, haween, iyo bulshada qaybaheeda kale duwan. Shirka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayey siddii loo adkeyn lahaa amniga Puntland guud ahaan gaar ahaan magaalada Garoowe iyadoo waxyaabaha la isla qaaday ay ahayd siddii loo wanaajin lahaa bilicda magaalada loona dhamaystiri lahaa wado laami ah oo loogu magacdaray Islaan Maxamed Road.
Taliyaasha ciidanka iyo maamulka gobolka Nugaal oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa ay ugu baaqeen dadweynaha in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyagoo ku goodiyey in cid walba oo caqabad ku noqota dhismaha wadada Islaan Maxamed Road talaabo adag laga qaadi doono.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab oo ka hadlay shirka ayaa yiri ” ma aqbali doono in is hortaag lagu sameeyo in la dumiyo goobaha sharci darada lagu dhistay ee ku yaal jidka Islaan Maxamed Road oo uu weli socdo dhismihiisu.”
Dhinac kale Wasiirka amniga Puntland Xassan Maxamuud Aloore oo ugu dambayn ka hadlay shirka ayaa ugu baaqay dadweynah Garoowe in ay u hogaamsamaan go’aamada maamulka gobolka iyo Taliyaasha ciidanka isagoo reer Garoowe ku amaanay kuwo lagu bartay in ay dowladda kala shaqeeyaan nabadgelyada.
no images were found
Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Maxamuud Aloore ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Issimada iyo nabadoonadu iyo bulshada qaybaheeda kale duwan in ay dowladda kala shaqeeyaan siddii loo dhamaystiri lahaa wadadda Islaan Maxamed Road oo weli lagu gudo jiro dhamaystirkeeda.
M_M_Deeq
Halgan.net