Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo xarumo ka mid ah Jigjiga booqday[Masawiro]

February 26, 2014 - Written by Editor

30Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xarumo booqday magaalada Jigjiga oo uu ku joogay booqasho rasmi ah , waxana wehelinayay dhigiisa Dowladd Deegaanka Somalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Labada Wafdi oo masuuliyiin kala duwan ka koobnaa ayaa booqday qaar ka mida xarumaha uu ka socdo horumarka dowladd deegaanka sida Isbitaalka Refaral, Jaamacadda Jigjiga oo ay kula kulmeen ardey tiro badan, Machadka Caafimaadka oo ay ardey reer Puntland deeqo waxbarasho uga dhigtaan ku soo dhoweeyeen, Taaladda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo hoolka shirarka Afrika oo dhismihiisu dhamaad uu yahay.

Goobaha wafdigu booqanayay ayaa warbixino kooban laga siinayay madaxweynaha Puntland sida ay u shaqeeyaan, waxana uu ku amaanay maamulka iyo madaxda dowladd deegaanka Somaalida Ethiopia horumarka ay gaareen.

no images were found

Madaxweynaha Puntland ayaa dhigiisa Dowladd deegaanka kala xaajooday xoojinta xiriirka labada dhinac u dhaxeeyaa, iskaashiga dhanka nabadgelyada iyo horumarinta ganacsiga.

Inta uu wafdiga Puntland ee madaxweynuhu hogaaminayo ku suganyihiin magaalada Jigjiga ayaa lagu wadaa inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan gobolka.

Xafiiska  Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online