Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo u dhoofay Kenya
February 19, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Sh.Maxamed Faroole ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha magalada Garowe isagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdi raxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa la filayaa in magalada Nairobi uu kulamo kula soo yeelan doono xubno ka tirsan beesha caalamka isagoo kala hadli doono xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan tan Puntland oo uu xilkeeda wareejiyey.
Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa uu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo nabadgelyadda iyo jiritaanka Puntland.
Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa waxaa sii sagootiyda qaar ka tirsan Golaha wasiiraddii hore ee Puntland , guddoomiyihii baarlamaanka iyo Taliyaasha ciidanka Puntland ee uu horkacayo taliyaha guuud ee difaac Puntland Gen. Siciid Dheere.
Safarka Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo faah faahsa ayaan dib idinkaga soo gudbin doonaa haddii alle idmo.
M_M_Deeq
Halgan.net