Madaxwenaha DFS oo beeniyey in uu xanuunsan yahay wareysina siiyey Radio Muqdisho (Dhageyso)
February 12, 2014 - Written by EditorTurkiya:-Madaxeynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliya iyaga oo sheegay in Madaxweynaha DFS uu xanuunsan yahay oo uu aad u liito
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wareysi siiyey idaacada afka dowlada federaalka ee Soomaaliya Radio Muqdisho wuxuuna sheegay in aad u caafimaad qabo kuwa warkaas faafiyeyna ay yihiin kuwa nabad diid ah cadwna u ah Umada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan ku sugan dalka Turkiya halkaas oo ay ku sugan yihiin Marwada iyo Caruurta Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuun booqasho kooban ku tagi doonaa sida uu u sheegay Radio Muqdisho magaalada Antalya ee ku taalla Koofur Galbeed ee Turkiga.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka waramaya xaaladiisa Caafimaad .
A/Cawale
Halgan.net