Madaxweynaha DFS oo wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

February 27, 2014 - Written by Editor

Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud1Muqdisho:-Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu si rasmi ah xil ka qaadis ugu sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”. waxaana xilka loo magacaabay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka sida Jen.Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Digreetada maanta sida rasmiga ah loo shaaciyey ayaa soo baxaday xili warbaahinta magaalada Muqdisho ay shalay shaaciyeen in xilka laga qaaday Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

muungaab1Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan ayaa dhowr mar eedeymo kala duwan u soo jeediyey madaxda DFS gaar ahaan laamaha amaanka waxaana uu horey u diiday xil wasiir oo uu horey ugu magacaabay Raisulwasaaaraha DFS Cabdi weli Sheekh  Axmed.

Xilka ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”. ayaa ku aaday xili amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online