Madaxweynaha dowladda Puntland oo tegi doona magaalada Muqdisho
February 4, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay gaaraan magaaada Muqdisho si ay uga qayb galaan aaska Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo usbuucii hore ku dhintay Isbitaal ku yaal dalka Maraykanka gaar ahaan magalada Minneaplis.
Ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la keeno magaaada Muqdisho oo lagu aasi doono, Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa uu ahaa shaqsi aad uga soo horjeeday in ciidamo shisheeye ay yimaadaan dalka soomaaliya isagoo dhowr jeer dhaliilo badan u soo jeediyey madaxdii soomaaliya iyo weliba kooxihii hubaysnaa ee la dagaalamayey.
Wafdi uu horkacayo Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo ay ku jiraan Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland , Issimo iyo waxgarad kale ayaa tegi doona Muqdisho iyadoo ay xiriir dhinac Teleefanka ah ay dhexmareen Madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland ayaa wax xiriir ah lahayn mana jiro ilaa hadda isku soo dhawaansho marka laga reebo hadalo amaan ah oo siyaasadaysan oo ay dhinac warbaahinta isku mariyaan mararka qaarkood.
Ilaa hadda ma cadda in meydka Ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen loo soo qaadi doono dhinac magaalada Garoowe balse warar hoose ayaa sheegay in talada ay ka go’do Ehelkiisa loona daayey go’aanka ugu danbeeya.
M_M_Deeq
Halgan.net