Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo

February 10, 2014 - Written by Editor

2Kismaayo:-Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe ayaa galabta dib ugu soo laabatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ka dib markii uu ka soo qeyb galay aaskii Allaha u naxariisteen Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey rag mucaarad ku ahaa maamulkiisa horeyna u sheegty in ay Madaxweynayaal ka yihiin maamulka Jubba waxaana ka mid ahaa Iftin Xassan Baasto iyo  Cumar Baleey Xuseen. Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo xubno ka tirsan xukuumadda Maamulka Jubba oo uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubba Jen. Fartaag.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa ku wada sugan Maamulka Jubba iyo kooxihii Mucaaradka ku ahaa kuwaas oo heshiis hadda ka hor ku wada saxiixaday magaalada Muqdisho.

11Warar hoose oo ay heshay Halgan.net ayaa sheegaya in wadahadal iyo is faham uu dhex maray Madaxweynaha maamulka Jubba axmed Madoobe iyo Iftin Xassan Baasto iyo  Cumar Baleey Xuseen.Wafdiga Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe  iyo wafdigii la socday ayaa kulan ku qaatay galabta madaxtooyada magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

 

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online