Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas oo la kulmay Safiirka Britain.[Masawiro]
February 28, 2014 - Written by EditorJimce 28. February, Addis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula yeeshay magaaladda Addis Ababa Safiirka Ethiopia u fadhiya Britain ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Gregory Dorey iyo Lizzie Lovett oo xoghaynta 2aad ee Safaaradda.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayay Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Guuto Siciid Dheere, Wakiilka Ethiopia
u fadhiya Puntland Mahad Faarax iyo saraakiisha madaxtooyada. Madaxweynuhu Britain waxa uu u gudbiyay warbixinta Puntland iyo xaaladaha ka jira, barnaamijka xisbiyadda badan iyo weliba qorshahe hawleedka shanta sanno.
no images were found
Britain iyo Puntland ayaa kulanka uga wada hadlay xoojinta xiriirka dimblumaasiyadeed ee u dhaxeeya, iskaashiga amaanka ,horumarinta nabadgelyadda iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland