Madaxweynaha Puntland oo Cambaareeyey Weerarkii Maanta Lagu qaaday Villa Soomaaliya

February 21, 2014 - Written by Editor

CalanGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa cambaareeyey weerarkii fuleynimada ahaa ee maanta lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Tacsi u diray dadkii ku geeriyooday, kuwii ku dhaawacmeyna Alle uga baryey caafimaad deg deg ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dadweynaha iyo Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka jecel in ay iska kaashadaan la dagaalanka cadowga shabaab iyo argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa khadka Telephonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya asagoo si gaar ah uga tacsiyeeyey dhibtii maanta loo geystay shaqaalihii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkan fuleynimada ah.

‘’Soomaaliya waxaa deeqda Nabad ku timaadda wada hadal iyo kalsami. Colaad, iyo argagaxisanimo waxay horseed ka yihiin dhibaatada oo waarta” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaaa tilmaamay inuu aad uga xun yahay falkan waxshnimada ah ee ay ka dambeeyaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online