Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay madaxa JPLG Somalia.[Masawiro]
February 17, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxa JPLG Somalia Patrick Doung, kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha mashaariicda Puntland siddii loo dardar gelin lahaa iyo in la hormariyo horumarinta degmooyinka maamul wanaaga.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid isbarasho ah ayaa waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madax weyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan madaxtooyadda Puntland.
Madax JPLG oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay balan qaadayaan in ay wax weyn ka qaban doonaa dhinac maamul wanaaga gaar ahaan degmooyinka ka baxsan dhinac laamiga si looga hirgeliyo mashaaric horumarineed.
no images were found
Maalinta beri ah ayaa waxaa ka dhaci doona magaalada Garoowe shir ballaaran oo looga hadli doono dar dar gelinta mashaaariicda kale duwan iyadoo madaxda dowladda Puntland ay codsiyo dhinac mashaariicda ay u gudbisay madaxa JPLG oo ilaa 2008 ka sameeyey mashaariic dhinac horumarinta deegaanada Puntland.
M_M_Deeq
Halgan.net