Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn

February 24, 2014 - Written by Editor

gaas_kulanAddis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Mr. Hailemariam Desalegn.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Dr. Tedros ayaa goobjoog ahaa iyo diblumaasiyiin kale, waxana Madaxweyne Gaas wehelinayay wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta Puntland, taliyaha ciidanka difaaca ee Puntland iyo saraakiisha Madaxtoyada.

Ra’iisal wasaare Desalegn ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland dalka Ethiopia, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiririka nabadgelyo midka ganacsiga iyo weliba kan siyaasadeed ee soo jireenka ah. Labada dhinaci waxay isla qaateen in khatarta ugu wayn Geeska Afrika ay tahay kooxda Al-shabaab, waxana la isla meel dhigay in si wadajir ah loogu kaco dagaalkooda iyadoona lagu heshiiyay xiriirka nabadgelyo inuu noqdo mar weliba mid joogto ah.

Horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac gaar ahaan dhinacyada tababaradda iyo kor u qaadidada tayada hay’adaha dowliga ah ayaa sidoo kale kulankan labada masuul uga wada hadleen.Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa u kicitimi doona xarunta dowlad deegaanka Somaalida Ethiopia ee Jigjiga halkaasi oo casumaad uu ka helay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

—Dhamaad—

Xafiiska madaxwaynaha Puntland.

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online