Madaxweynaha Puntland oo la kulmay safiirka Maraykanka kuna sii jeeda Jigjiga.[Masawiro]
February 25, 2014 - Written by EditorTalaado 25 February, Addis Ababa:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Dibulimaasiyiin ka socday safaarada Maraykanka ee dalka Ethiopia. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo adkeynta xiriirka labada dhinac gaar ahaan iskaashiga dhanka amaanka, Siyaasada, kaalmadda iyo barnaamijka Dimoqraadiyaynta Puntland (Xisbiyadd Siyaasadeed).
Madaxweynaha ayaa u gudbiyay masuuliyiintan ka socday USA baahida Puntland u qabto in taageero beesha caalamku u fidiso iyo sidii gacan looga gaysan lahaa mashaariicda horumarineed. Madaxweynaha oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa ayna wehelinayeen wafdi iskugu jira wasiiro iyo masuuliyiinta Dowladda Puntland ayaa u kicitimay dhanka magaalada Jigjiga.
no images were found
Casumaad gaar ah ayaa uu ka helay Dr. Cabdiweli Gaas dhigiisa dowladd deegaanka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamud Cumar.
War-saxaafadeed ,Xafiiska Warfaafinta
Madaxtooyada Puntland, Garoowe