Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo dhoofay dalka Itoobiya (Masawiro+Cod)
February 23, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirada arrimaha gudaha Axmed Garaash,wasiirka warfaafinta Cabdiwali Indho-guran & Taliyaha ciidanka difaaca Puntand Gen.Siciid Dheere wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ku sii sogootiyey madaxwayne ku xigeenka,Puntland afhayeenka baarlamaanka & wasiiro ka tirsan gollaha wasiiradda.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta inta uusan dhoofin ayaa sheegay in safarkiisa inuu ku wajahan yahay dalka Itoobiya ka dib markii ay casumaad ka helen wuxuuna sheegay in ay ka wada hadli doonaan xiriirka Puntland iyo Itoobiya.
no images were found
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada Puntland waana socdaalkii ugu horeeyey uu ku tago Itoobiya ilaa markii loo doortay xilka Madaxtinimada Puntland.
Hoos Ka Dhageyso Shirjaraa,id uu Madaxweynaha Puntland uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Ee Garoowe
M_M Deeq
Halgan.net