Madaxweyne DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Brundi (Warsaxaafadeed+Masawiro)
February 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay doorka Burundi oo uu sheegay inay yihiin Wallaalo dhab ah.Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Brundi H.E. Laurent Kavakure, oo ay wehliyeen Taliyaha Ciidanka AMISOM Lieutenant General Silas Ntigurirwa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Abdirahman Duale Baileh, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Burci Maxamed Hamza iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Brundi Abshir Xasan Abshir.
Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u mahadcelineynaa Wallaalaha Burundi oo dhiigooda noo huray si uu dalku amni u noqdo. Sanadkii 2007 illaa iyo hadda ayey ciidamada Burundi, kuwa kale ee AMISOM iyo ciidanka Soomaalidu ay si joogta ah ula dagaalamayeen kooxaha Al-Shabaab, oo ay noo sameynayeen fursadahan hadda jira ee aan dalka dib ugu dhiseyno oo shacabku ay istaahilaan, mana hilmaami doono doorkii iyo abaalkii Burundi.”
Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Burundi ayaa waxey ka wada hadleen arrimaha amniga, tiro kordhinta ciidamada AMISOM oo horey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u ansixiyeen iyo sidii ciidanka Soomaalida loo taageeri lahaa.
Madaxweynaha ayaa yiri “Sanadkan 2014 waa mid muhiimad gaar ah noo leh. Waxaan xoojineynaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xasilinta dalka oo dhan. Burundi, AMISOM-ta kale iyo ciidanka Soomaalida ayaana kaalin mug leh ka qaadan doona dadaalada xasilinta dalka.”
-DHAMAAD-