Madaxweyne Puntland ciddii ay hanti dowladeed ku maqan tahay dib ha u soo celiyaan.[Masawiro]

February 10, 2014 - Written by Editor

IMG_0612Garoowe:-Waxaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ee Garoowe Golaha wasiiradda ee Puntland waxaan shirka shir gudoominayey madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Gaas iyo ku xigeenkiisa. Kulanka golaha wasiiradda Puntland ayaa waxaa looga hadlay qaabkii ay wasiiradda cusub xilka ula wareegeen si u dhacday qaab nabadgelyo ah, waxaa kale oo kulanka looga dooday ahmiyadda amniga Puntland siddii loo dardar gelin lahaa.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) isagoo ka codsaday shacabka Puntland in ay fursad siiyaan xukuumadda Puntland in ay shaqadooda qabsadaan oo wixii ay uga baahdaan xukuumadda ay hay’addaha khuseeya ay la xiriiraan.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay in ay jirto gaadiid ay lahaayeen wasaaradda qaarkood oo aan weli la so wareejin waxaan uu ka codsaday in si dhaqso loo soo wareejiyo isagoo xusay in ay dhici doonin in hanti dowladee qof uu iska haysto.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladdiisu ay bixisay dhamaan mushaaradii shaqaalaha dowladda iyo ciidanka Puntland ka dib mudo dhan sanad oo aysan qaadan wax mushaar ah. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa yiri ” Waxaan jecelnahay in aan sii wadno in aan bixino mushaaraadka dowladda iyo ciidanka Puntland aan wax weyn ka qabano dhaqaalaha Puntland siddii aan u balan qaadnay.”

no images were found

Saxaafadda Puntland oo wax ka wiidiisay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) in wax kulan ah uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wax kulamo siyaasadeed ah uusan la qaadan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya balse ay Muqdisho u tageen kaliya in ay ka qayb galaan aaskii Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online