Maxamed Faarax Dheere oo ka badbaaday isku dil ay la damacsanaayeen Al-shabaab

February 26, 2014 - Written by Editor

bistaBoosaaso:-Waxaa maalintii shalay oo taariikhdu ay ahayd 25.02.12  ay labo dhalinyaro ah oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab ay weerar toogasho ku qaadeen Maxamed Faarax Dheere xili uu ka shaahaynayay Makhaayadda. Maxamed Faarax Dheere ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqaysan jiray Suuqa Sarifka si uu ugu xamaasho reerkiisa, labada dhalinyaro ah ayaa ku boobay rasaas  waxaan ay gaarsiiyeen dhaawac  aan halis ahayn iyadoo mid ka mid ah ragga weerarka geystay uu kufay ka dibna ay dadku isku dhex yaaceen iyadoo kii la socday uu dadkii rasaas ooda uga qaada balse dadweynaha ayaa ku sameeyeen markii danbe iska caabin xooggan.

Maxamed Faarax Dheere ayaa waxaa uu la dhashay ganacsade Allaha u naxariistee Aadan Faarax dheere oo ahaa walaalkiis ayna horay ugu dileen magaalada Gaalkacyo amniyaadka ururka Al-shabaab. Ciidanka Booliska Puntland ayaa markii danbe ku guulaystay in ay qabtaan dhalinyaradii ka tirsanaa amniyaadka Al-shabaab iyagoo markii danbe la tegay gurigii  ay deganaayeen waxaan laga soo hellay  Dukumintiyo wax ku ool ah.

Haddaba waxaa is wiidiin leh kuma ayuu ahaa  Maxamed Faarax Dheere ? Maxamed Faarax Dheere ayaa waxaa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqayn jiray markii hore Xawaalada Qaran  ka dibna waxaa dhaawac u geystay tuugo ka dibna  Alle waa ka caafiyey dhaawicii waxaan uu noqday Sarifle aadna waxaa uu ugu fiicnaa cibaadad oo salaadaha aad buu u ilaalin jiray Alle waxaan uga baryeynaa in dhaawac ay u geysteen cadawga dadka iyo diinta uuAlle ka caafiyo aamiin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online