Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka. W/Q: Maxamed Nuur Shire
February 14, 2014 - Written by EditorMujaahidiinta Fadhi ku-dirirka, waa qormo aan ku qaadaa dhigi doono dhaqannada cusub ee ay soo kordhiyeen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.
Barasho wanaagsan
Mujaahidiinta Fadhi ku-dirirka waa inta ka hartay taageerayaashii kooxda Al-Shabaab, waxaana ay sheegtaan inay iyagu afka ka jihaadayaan.
Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka waxa ay ka kooban yihiin 3 qeybood oo kala ah:
1-Kuwa duruus akhriya
2-Kuwa wax qora
3-Kuwa murma
Haddii aan ku hormaro kuwa duruusta akhriya: waa kuwa ay suuragalka u tahay inay dadka si guud ula hadlaan, haddii ay ahaan laheyd inay Masaajid kala hadlaan, iyo inay warbaahinta qeybaheeda kala duwan isticmaalaan.
Qoladan koowaad iyagu waxa dhib badan ka haysataa sidii ay aragtidooda dadka u liqsiin lahaayeen, iyadoona marka ay ka hadlayaan meelaha ay fariintooda ka gudbinayaan uu ka muuqado ciil badan oo ay u qabaan bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kooxda labaad waa kuwa wax qora, qoladan iyo kuwii ka horeeyeyba ma badna, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u fuulaan sidii ay qoraal ugu difaaci lahaayeen waxa ay aaminsan yihiin, iyagoo dacaayado badan ku fura qolyaha fikradaha ay qabaan diiddan.
Kooxda kale waa qolyo iyagu ayan suuragal u aheyn inay si guud dadka ula hadlaan, ama inay wax qoraan, balse iyagu waxa ay aaminsan yihiin waxa ay ku gutaan muran. waxa ay tagaan meelaha bulshadu isugu timaaddo, waxaana ay ku doodaan wixii ay ka soo maqleen ama ka soo akhriyeen qoyalaha ay isku taageerada yihiin.
Majaahidiinya fadhi ku-dirika waxa ay aad u neceb yihiin marka la weydiiyo hal su’aal waana middan:
” Haddii waxa aad sheegeysaan idinka dhab yihiin maxaad idinku u jihaadi weydeen?: taasi waa su’aasha ay ugu neceb yihiin in la weydiiyo, qofka arrintaas soo hadal qaadana waa midka ay ifka ugu neceb yihiin, iyagoo u isticmaala erey marka ay caroodaan ay dhahaan, dib ayuu inooga imaan doonaaye.
Sababta ay su’aashaas u neceb yihiin waa, inay iyagu dhahaan Jihaadka socdaa waa mid qof walba laga rabo oo sida salaadda oo kale qof walba Waajib ku ah. dadka kale qaarkood waxay ku xukumaan inay waajibkaas ka fariisteen, balse marka iyaga la weydiiyo waxa ay uga fariisteen waajibka ay sheegayaan waxa ay la dibiraan caro.
Qaar ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ayaa waxa ay dhahaan “Sheikh hebel waa faasiq, maxaa yeelay Sheikhul Islaam Ibnu Teymiyah ayaa sheegay inuu faasiq yahay Sheikhii Jihaadka ka fariista” haddii lagu dhaho adigu ma faasiq baad tahay? “wuxuu ku leeyahay shaqsiyadda qofka lama faragashto” isaguna cidda uu xukumayo waa qof iyo bulsho gaar ah. bal adigu fahan.
Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka ereyada ay isticmaalaan waxaa ka mid ah:
Murtad
Munaafiq
Khabiith
Faasiq
Munxarif iyo kuwa kale.
Ereyadaas waxay u isticmaalaan dadka ay diiddan yihiin qeybahooda kala duwan, sida ay ereyadu u kala culus yihiinna waxay ugu dhahaan sida ay u kala neceb yihiin dadka ay u isticmaalayaan, waxaa xusid mudan in ereyga “Murtad” ay isticmaalaan marka ay aad u xanaaqaan.
Waxaa dhici karta in ereryadu sida ay u kala culus yihiin ayan u kala xulanin, iyadoo xiliyada qaarna sida afkooda ay ugu soo kala hormaraan ay u dhahaan, mana kala jecla haddii uu kugu dhaho wax uusan kaa aaminsaneyn maaddaama uu aad kuugu careysan yahay.
Taageerayaashan waxa ay qaataan mowqifba midka uu ka adag yahay, haddii laba mas’alo oo labuduba la qaadan karo ay isu qabtaan waxa ay xushaan midda ay is leeyihiin dadka ayaad ku dhibi kartaan oo waa ay ku culus tahay, waxaa xusid mudan in Taageerayaasha iyo qolayaha ay taageersan yihiin ay mowqif ahaan u fog yihiin Taageerayaasha, waxaana la arkaa inay qabaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin.
Dad badan waxaa fogeeya oo neceyb ku beera taageerayaasha,” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka” waxaana marmar ay dusha saartaan wax ayan qabin qolyaha ay taageersan yihiin, ama diiddan yihiin, taasoo qolyaha ay taageersan yihiin ka fogeysa dad badan oo beer jileec markii hore u hayey.
Qaar ka mid ah tilmaamaha ay leeyihiin Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka:
Xanaaq badan
Been abuur
Degdeg
Aflagaaddo iyo kuwa kale oo badan.
La yaab malahan in mid ka mid ah Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku uu cidda uu neceb yahay ku xukumo in dhiigiisu banaan yahay, iyadoo waxa qofka Muslimka ah dhiigiisa lagu baneynayo ayan dhaafsiineyn in badan ciil laga qaaday, hadallo qofkaasi jeediyey, ama qoraallo qofkaasi qoray iyo wax la mid ah, taasoo ay dhici karto in sida ay u fahmeen ” Mujaahidiinta fadhi ku-dirirku” ayan wax u jirin.
Qormadii ku saabsaneyd Mujaahidiinta fadhi ku-dirirka intaan ayaan ku soo afmeerayaa.
W/Q:Maxamed Nuur Shir
mnuur10@gmail.com