Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo la soo Afmeeray .[Masawiro]
February 5, 2014 - Written by EditorCeerigaabo:-Nadwo cilmiyeed diini ah oo ka socotay magaalada ceerigabo gobolka Sanaag ayaa gashay habeenkii 4 aad. Nadwadan oo ciwaankeesu yahay :منهج أهل السنة في الدعوة الى الله ayaa waxay ay ka socotaa masaajidka jaamaca magaalada Burco waxaan looga hadlay mawaadiic kala ah:-
1. Fasaadka iyo noocyadiisa
2. Iskaashiga khayrka ah
3. In aan la isku kaashan sharka
4. Ku dayashada nabiga صلى الله عليه وسلم iyo salafka
Caawa oo khamiis ah ayaa Dr.Xassan Sh.Cali Warsame ayaa aad u qaada dhigay ahmiyada cilmiga iyo adaabta daalibu cilmiga laga rabo waxaa kale oo Dr.Xassan Sh Cali Warsame uu ka hadlay xurmada ay leeyihiin ahlu cimigu.
Dadwaynaha reer Ceerigaabo ayaa masaajidka buux dhaafiyey iyo Shawaaricda,waxana lagu soo gunaanaday mowduuca caawa su,aalo culimada la waydiiyey oo ay uga faa,iideeyeen dadwey naha,su,aalaha oo aad u tiro badnaa ayaa waxa ka jawaabay culimo ay ka mid yihiin :-
1. Sh Axmed Maxamed Sulaymaan
2. Sh Maxamuud Maxamed Xaliike
3. Sh dr Xassan Sh.Cali Warsame
Nadwadaan oo aad ay ugu riyaaqeen dadwaynaha reer Sanaag gaar ahaana reer Ceerigaabo ayaa la filayaa in ay sii socoto maalmaha muddo maalmo ah. Dhanka kale waxaa galabta ka dhacay fagaaraha magaalada Ceerigaabo muxaadaro aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan oo iskugu jira yar iyo waayeel rag iyo dumar.
Muxaadaradaan ayaa waxa uga qayb galay si wadaag ah culimada kala ah:-
1.Sh c/qani ow Saalax
2.Sh.Maxamuud Maxamed xaliike
Culimada ayaa dadwaynaha waxay kula dardarmeen alla ka cabsi iyo in ay ku camal falaan waxay barteen. Guntii iyo gabagabadii muxaadarda ayaa culimadu waxay ugu baaqeen dadka isticmaala balwada(qaadka iyo sigaarka) in ay ka toobad keenaan oo ay ilaahay u soo noqdaan cidii ka soo noqotana in loo ducayn doono ka dibna waxa isla markiiba culimada hortooda ka cadeeyey in ay toobadkeeneen dad aad u tira badan,culimada iyo dadwaynaha ayaa allaah u baryey dadkan toobadkeenay in wax ka fiican uu ugu badalo.
no images were found
Sidoo kale waxa maanta safar dacwadeed ku tagay deegaanada maydh ee gobolka Sanaag culimo ka tirsan wafdiga culimada ee safarka ku joogay maalmahan gobolka sanaag.
Culimadan ayaa waxa ka mid ahaa :-
1. Sh maxamed cumar dirir
2. Sh Maxamed Aadan Muxumed
3. Sh Mustafe Aadam Maxamed
4. Sh Faysal Maxamed Cumar
5. Sh Maxamed Cali Biixi
Culimada ayaa dardaarano kala duwan u soo jeediyey dadwaynaha ku dhaqan deegaanka maydh iyo nawaaxgeeda, dad waynaha ayaa culimada aad u soo dhaweeyey iyaga oo wadooyinka la taagnaa caleemo qoyan.
Halgan.net