Nadwadii ka socotay magaalada Ceerigaabo oo gashay habeenkii 6 aad(Masawiro)

February 1, 2014 - Written by Editor

DSC01124Ceerigaabo:-Nadwo cilmiyeedii maalmihii ugu danbeyey ka socoyay  masjid jaamica  ku yaal  badhtamaha magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag   ayaa waxay gashay habeen 6 aad Nadwada  ciwaan keedu ahaa  منهج أهل السنة في الدعوة الى الله  ayaa  waxa  ka qayb galay culimo aad u fara badan kana kala socday meelo kala duwan.

Sheikh Cismaan cali xusayn (sh cismaan laangadhe )  oo ka  mid  ah culimada ugu caansan Soomaalida  dhexdeed  aad loogu  xasuusto tafsiirka  qur,aanka kariimka ah ayaa xalay oo sabti waxa uu ka hadlay mowduuc  aad u muhiim ah , mawduucan oo ciwaan

(تعريف أهل السنة والجماعة والحاجة إلى منهجهم)

Sheekha ayaa waxa uu  aad uga waramay ahlu sunna waljamaaca   iyo , calaamadaha lagu yaqaan iyo sifaadka ay caanka ku yihiin.

Sheekha  ayaa waxa uu  kawaramay  in aan ahlu sunuhu cid gaar ah aanay u xidhnay cidkasta oo sifooyin kooda  laga  helana ay yihiin ahlu sunna   meel kasta iyo goor kasta oo ay joogaan

no images were found

.

Sidoo kale waxa uu sheekhu ka hadlay in aanay haboonayn in dadka laga saaro ahlu sunnaha  ama salafka  iyada  oo aan wax daliil ah loo haysan.

Guntii iyo gunaanadkii   nadwada  ayaa waxa  lagu soo khatimay su,aalo diini ah oo la waydiiyey culumada waxaana weydiiyey  dad waynaha soo xaadiray.

Dadwaynaha  ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo soo  buuxdhaafshay masaajidka iyo nawaaxigeeda  ayaa si fiican uga faa,iidaystay wacyigalinta  culimadu ka wadaan magaalada ceerigaabo

Musasat Al-Karam
Halgan.net.

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online