ONLF oo sheegtay in xubno ka tirsan ururkooda laga dhiibay gobolka Gal-gaduud.[Dhagayso]
February 12, 2014 - Written by EditorGuriceel:-Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Xasan Hir-mooge ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo ka tirsan ONLF ay isku dhiibeen ciidanka Itoobiya, Afhayeenka ayaa sheegay in ay ka war heleen in Sh.Maxamuud Aani iyo xubo ka tirsan ururka ONLF bishaan 7-eedii ay qabteen kooxda Suufiyada ah ee gacanka ku haysa gobolka Gal-gaduud gaar ahaan Guriceel iyo degaanada hoostag ka dibna ay u dhiibeen maamulka degaanka Soomaaliya iyaguna ay u sii dhiibeen ciidanka Itoobiya.
Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Xasan Hir-mooge oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA- ayaa sheegay Sheekh Maxamuud Aani uu xanuunsanaa isaga iyo xubnaha lala qabtayna aysan hubaysnayn oo markii la qabtay la geeyey Shillaabo, ka dibna loo gudbiyay Qabri-daharre.
Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) oo wareysi gaar ah siiyey isagana idaacadda VOA-da ayaa sheegay in maamulkooda uu qabtay xubno ka tirsan ONLF ka dibna ay u gacan geliyeen dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay xiriir wanaagsan ay la leeyihiin.
Hoos ka Dhagayso Afhayeenka Jabhadda ONLF, C/qaadir Xasan Hir-mooge
A/cawaale
Halgan.net