Puntland oo lagu wareejiyey nin ka tirsanaa Al-shabaab oo xalay dad ku dhaawacay Gaalkacyo.[Cod/Masawiro]
February 26, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyey Taliska ciidanka Puntland nin dhalinyaro ah oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar ka fuliyey Makhaayada ku taal Xaafadda Garsoor isagoo dhaawac u geystay 4 qof oo ka shaahaynayey Makhaayadda. Ninkaan dhalin yarada ah ayaa waxaa la socday nin kale oo la fuliey weerarka ka dibna waxaa dablaydaan la dagaalamay nin shacab ah oo hubaysnaa oo weerarka markii u dhacay la kow saday ka dibna waxaa uu dhaawacay mid ka mid ah dhalinayadii amniyaadka Al-shabaab.
Taliska ciidanka Gal-Mudug ayaa xalay ku guulaystay in ay qabtaan ninkaan dhaawaca ah ka dib markii shacabku ay cayro ku soo geliyeen Xaafadda Baraxley ee uu maamulka Gal-Mudug ka taliyo taasna ay sababtay in ciidanku qabto ka dib wada hadlo iyo is afgarad dhinac amniga ah ee dhexmaray maamulka Gal-Mudug iyo Puntland.
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo ay weheliyaan ciidamo ka tirsan Puntland ayaa saaka tegay Taliska Maamulka Gal-Mudug ka dibna waxaa lagu wareejiyey ninkaan dhalin yarada ah oo ka tirsan amniyaadka ururka Al-shabaab isagoo ka dhaawacan lugta.
Dhinac kale Gal-Mudug ayaa saaka saxaafadada u soo bandhiga Liis ay ku qoran yhiin magacyada dil sugayaasha ah oo ay doonayaan in ay khaarajiyaan ururka Al-shabaab waxaana xusid mudan in liiska ay ku jiraan wariyaal , masuuliyiin iyo saraakiil maamulka Puntland iyo Gal-Mudug.
no images were found
Hoos ka eeg Liska dil ay sugayaasha oo ay amniyaadka Al-shabaab ugu qornaa in ay dilaanno images were found
Wariyaasha dil sugayaasha ah ayaa waxaa ay ka shaqeeyaan degaanada Puntland waxaan si gaar ah loo xusay wariyaasha ka howl gala Radio Daljir oo dhow jeer oo hore wariyaal u shaqaynayey lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Hoos ka Dhagayso Shirka Jaraa’id ee ay qabteen masuuliyinta maamulka Gal-Mudug iyo Puntland
M_M_Deeq
Halgan.net