Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo oo geystay Khasaaro kala duwan

February 22, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday Gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan  ciidanka mamulka Jubba kuwaas oo marayey xaafada Faanoole.

Weerarka ayaa waxaa uu ahaa miino dhulka loogu aasay ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba waxaana weerarka ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ah oo wadada marayey. Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka KMG ee Juba aysan gaarin wax khasaaro ah.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.Qaraxan miino ee maanta ka dhacay Kismaayo ayaa waxa uu kusoo aadayaa  xili ay ciidamada KMG ee Juba ay ka  wadaan howlgalo kala duwan gudaha magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online