Qarax ka dhacay Makhaayad ku dhow xarunta ciidanka nabadsugida ee DFS

February 27, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Makhaayadda lagu shaaheeyo oo ku taal degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho waxaan ka dhashay weerarkaas khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Makhaayadda la bartilaamsaday  ayaa waxaa ay ku taal  Baar FIAT ama Is-goyska  KM0 waxaana inta badan imaan jiray  ciidanka nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Makhaayadda ayaa waxaa gaaray burbur xooggan.

Weerarkaan Ismiidaaminta ah  ayaa waxaa ku dhintay ilaa 12 ruux oo iskugu jira dad rayid ah iyo ciidanka nabadsugida Dowladda Federaal ka Soomaaliya waxaan wariyaal tegay goobta ay soo tabinayaan in ay arkeen ilaa 3 askari oo ka tirsan Dowladda oo dhintay. Weerarka lala eegtay Makhaayadda ay inta badan yimaadaan ciidanka nabadsugid ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili Saraakiisha ciidanka Shisheeyey ee AMISOM iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hanjabaadyo u marinayeen saxaafadda ururka Al- shabaab ee dagaalka kula jira.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa waxaa ay goobta qaraxu ka dhacay ay ka qaadeen dadkii dhaawac ahaa oo iskugu jira dad rayid ah iyo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan la geeyey oo lagu daweynayaa isbitaal ku yaala Degmada Xamarweyne .

Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay qarax ay ku dhinteen ilaa 12 ruux oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in ay bartilmaamsadeen ciidanka nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiraan ilaa hadda masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay qarax ama faahfaahin ka bixiyey tirada rasmiga ah ee ciidanka nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga dhintay qaraxa.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online