Ra’iisul Wasaaraha DFS oo booqasho rasmi ah ku tagay caawa magaalada Addis Ababa

February 13, 2014 - Written by Editor

Cabdiweli-ShRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo galabta kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray caawa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaarah garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Addis Ababa, waxaa uu qayb ka yahay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Ethiopia iyo Djibouti iyadoo Wafdiga Ra’iiusl Wasaaraha ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.

“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin.” Ayuu u sheegay arbaahinta Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

“ Ethiopia waxaa ay kamid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgalada Amisom ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta barri ah kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale dalka qaarkood.

END

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online