Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Kampala kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Burundi

February 20, 2014 - Written by Editor

2Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo xalay soo gaaray magaalada Kampala ee dalak Uganda oo booqasho rasmi ah uu ka helay ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Brundi Mudane Gervais Rufyikiri. Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wada wadaagi lahaayeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidnaka AMISOM iyo horumarka ka muuqda dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xoog badan. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in dhowaan ay ka guulaystaan kooxaha Nabad-diidka ah.

” Burundi waxaa ay qayb weyn ka qaadatay xasiloonida dalka Soomaaliya, labada dal waxaa ay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya , waxaana aan iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal ay soo mareen dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii dalkaasi ka dhacay iyo sida ay hogaamiyayaashu ugu guulasteen in xal loo helo nabadda, korna loo qaado isku xirka shacabka iyo dawladda si kor loogu qaado adeegyada bulshadu ay u baahantahay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

no images were found

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay Somalia ku talaabsatay, dalka Burundi waxaa uu gacan ka gaysan doonaa sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dawladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada .” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Mudane Gervais Rufyikiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay soo gaaray magaalada Kampla , waxaana uu maanta la kulmi doona Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Uganda oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Kampala – Uganda
E:Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online