Ra’iisul wasaaraha DFS oo soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland.[Warsaxaafadeed]

February 6, 2014 - Written by Editor

2cabdiwaliMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi wali Sh.Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa uu ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Cali ( Gaas) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey, kaasi oo ka qayb geli doona aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo berri oo jimce ah lagu duugi doono magaalada Muqdisho.

Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ee maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa siyaasiin, hoggaamiyayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo xubno ka mid ah golayaasha maamulka Puntland, waxana soo dhoweyntooda ka qayb galay golayaasha Dawladda Federaalka, siyaasiyiin, issimo, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ka hor aaska iyo sagootinta qaran ee berri loo samayn doono marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaraya wafdiyo ballaaran oo ka kala imanaya gudaha dalka iyo dibadda. “ Maanta waxaan magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay walaalaha Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali , waxana wafdigu ka qayb gelayaa aaska qaran ee loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

“ Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu ahaa halgamaa xorriyadda Soomaaliya iyo siyaasi qaran oo dadka mideeya, waxa uu hore ugu sifoobey maamul-wanaag iyo waddaninimo, isagoo ku caanbaxay karti iyo hufnaan, waxa aynu meydkiisa ku sagootinaynaa quluub mid ah oo murugaysan maadaama uu ahaa hoggaamiye dadka mideeya, aaskiisuna waxaa uu noqonayaa mid inna mideeya” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Axmed.

Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalantay xorriyadda Soomaaliya, ka dibna waxa uu noqday siyaasi, isagoo xilka Ra’iisul Wasaaranimada hayey sanadihii 1964-tii ilaa 1967-dii ee nidaamkii dawladihii rayidka, waxana xukuumaddii uu madaxda ka ahaa ay la dagaalantay musuqmaasuqa, iyadoo ku caanbaxday ereyada “ Karti iyo Hufnaan”.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online