Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid Nairobi.

February 18, 2014 - Written by Editor

IMG_7584Nairobi:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Nairobi, waxaa garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi kusoo dhoweeyay madax ka tirsan dalka iyo Safaarada Soomaalida ee fadhigeedu yahay Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa isla galabta kulan la yeeshay Mas’uuliyiinta dalka iyo inta badan Xildhibaanada gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa danaha labada dal.

“ Waxaan aad ugu faraxsannahay socdaalka aan ku imid Kenya oo ah dal ay dano badan naga dhexeeyaan. Waxaan la kulmi doonaa madaxda ugu saraysa dalka Kenya oo aan kala hadlayo xoojinta iyo iskaashiga labada dale e dariska ah.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh.Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay qaar kamid ah Xildhibaanada dalka Kenya ee Gobolka Woqooyi Bari ayaa barri la kulmi doona Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo xubno kale oo ka tirsan Dawladda Kenya.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed oo u sameeyay xaflad soo dhoweyn ah. Waxaa uu Ra’iisul wasaaruhu ku booriyay Jaaliyadda in ay kaalin ka qaataan nabadda horumarka dalkooda Soomaaliya isla markaana ay ilaaliyaan dalka Kenya oo aad usoo dhoweeyay Soomaalida.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali.
Afhayeenka Xukuumadda.
Nairobi – Kenya
E: Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online