Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo geeriyooday
February 1, 2014 - Written by EditorAllaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala Mareykanka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqaanay dunida gaar ahaan Geeska Africa. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa inta uusan noqon Ra’iisul wasaare waxaa uu ka mid ahaa dhalin yaradii xubinta ka noqday dhalinyaradii gobanimadoonka ee SYL. Allahu naxariiste Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya sanadkii 1964 ilaa 1967-dii.
Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliaya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa uu ahaa shaqsi dhowrsan oo inta badan jeclaa in mar Soomaaliya ay dib uga dhalato dowladda awood leh oo soo celisa nidaamkii dowladdnimo.Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ahaa shaqsi wadani ah kana mid ahaa madaxda dalka Soomaaliya soo maray oo wax laga wiidiin jiray arrimaha murugsan ee dalka Soomaaliya.
Maamulka iyo wariyaasha Halgan.net waxaa ay tacsi gaar ah u dirayaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeri yooday allaha u naxariistee Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ,Waxaan Ilaaheey uga baryeeynaa inuu janatul fardowsa geeyo.. aaaaaaaaaaaaaaaaamin.
Taariikh nololeedkii Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kooban:–
Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa u ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sannadkii 1924. Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu xubin muhiim ah uu ka noqday ururkii gobanima doonka Soomaaliyeed ee SYL, ururkaas oo la asaasay 1943.
Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu Xildhibaan ka noqday dowladdii rayidka ahayd ee uu madaxweyne ka ahaa Allaha u naxariistee Aadan Cadde (AUN) iyo Ra’iisul wasaare Dr.C/rashiid Cali Sharmaarke. Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa uu noqday Ra’iisul wasaarahe intii u dhaxaysay 14kii June 1964 ilaa 15kii July 1967.
Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa xiray dowladdii Milateriga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariiste Gen. Maxamed Siyaad Barre. Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa xabsiga ka soo daayey dowladdii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare uu Madaxweynaha ka ahaa waxaa laga dhigay safiirka Soomaalliya u fadhiga Qaramada Midoobey ilaaa intii u dhaxaysay 1976 ilaa 1978 walow uu markii danbe ka tegay.
Maamulka Halgan.net