Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo lagu aasay Muqdisho.[Masawiro]

February 7, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka. Meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaal degaanka Ceel Car fiid oo ku yaal  duleedka magalaada Muqdisho, Aas Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ,Madaxda dowladda Puntland ,madaxda Maamulka KMG ee Jubba , siyaasiyiin horay talada dalka soomaaliya ka soo qabtay xilal kale duwan, Xildhibaano , Saraakiil ciidan iyo dadweyne aad u fara badan.

Ubax C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah gabar uu dhalay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa mahad balaaran u soo jeedisay dadweynaha Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya , dowladda Turkiga , dadweynaha ku nool dalka Maraykanka sidda wanaagsan oo ay u tuseen shucuurka wanaagsan ugana soo qayb galeen  aaska Aabaheed.

Dhinac kale Professor Cabdi Ismail Samatar oo ka mid aqoonyahanda Soomaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka oo hadal kooban ka jeediyey aaskii Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa mahad balaaran u soo jeediyey ciidanka Dowladda federaalka ee soomaaliya si ay u sugeen amaanka xiligii lagu guda jiray Aaska R/wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo uu ku tilmaamay shaqsi ku weynaa umada Soomaaliyeed kana mid ahaa halgamayaashii Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo isagan hadal kooban ka jeediyey Aaska ka dib ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen uu ahaa shaqi aan la hilmaami karin isagoo ku booriyey umada Soomaaliyeed in ay ku day daan iskuna duubnaadaan.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u duceeyey Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen in Alle janadii fardowsa uu geeyo isagoo sheegay in markii uu noolaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen lagu midoobay hadda oo uu dhintayna laga doonayo Soomaali oo dhan in ay ku midoobaan.

no images were found

Dhinac kale Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u duceeyey Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen isagoo ugu baaqay umada Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaalida in ay sii wadaan halgankii midnimada Soomaaliya iyo dowladda wanaag ee uu horseedka u ahaa  Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaaaaaaaaaaah.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online