Said Mansuur oo mar kale lagu xiray magaalada Copenhagen ee dalka Danmark
February 13, 2014 - Written by EditorCopenhagen:-Said Mansuur oo ka soo jeeda dalka Marooko ayaa waxaa lagu xiray Danmark gaar ahaan magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Danmark ka dib markii lagu eedeeyey in Sociale Media uu lahaa ee Facebook uu soo dhigay arrimo ka hor imaanaya sharciga dalka Danmarka gaar ahaan Paragarafka 114 oo la xiriira arrimaha argagixisada.
Said Mansuur ayaa 2007 waxaa lagu xukumay 3 sano iyo 6 bilaad oo xariga ah ka dib markii lagu eedeeyey in uu booriyey arrimo argagixiso isagoo adeegsanaya Al-Nur Islamic Information i Brønshøj. Said Mansuur ayaa waxaa uu magaciisa u bedelay Sam Mansour ka dib tuhmooyin iyo eedaymo badan oo loo soo jeediyey.
Said Mansuur ayaa waxaa uu yimid dalka Danmark 1983 waxaan keenay walaashiisa ka dibna waxaa uu guursaday gabar deenish ah oo u dhashay ilaa 4 caruur ah oo markii danbe qaadatay islaamka walow markii danbe ay kala tageen.
Markii la xiray sanadkii 2007 Said Mansuur ayaa waxaa ay sheegeen Ciidanka sirdoonka Danmark ee loo yaqaan PET in Said Massuur uu xiriir la sameeyey Imaam Abu Qatada oo lagu sheego in uu yahay Hogaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Al-qaacid ee Yurub.
Tv-ga Dr.dk ayaa qoraal lagu soo daabacay waxaa uu soo bandhigay qoraalo ku qornaa Facebook Said Mansuur oo ahaa baaqyo Jihaad. Waxaa qoraal lagu daabacay Tv-ga Dr.dk lagu soo bandhigay in 23 January 2014 Said Mansuur uu Facebook uu leeyahay soo geliyey qoraalo uu leeyahay hogaamiyaha Al-qaacid Dr Ayman iyo Abu Qatad oo ka hadlay dagaalka ka socda dalka Suuriya.
no images were found
Said Mansuur ayaa waxaa kale Facebook uu leeyahay uu soo dhigay masawirada labo dhalin yaro ah oo ku dhintay dagaalka ka socda dalka Suuriya waxaan ka mid ahaa Abdul Malik iyo Abu Khattab waa sidda lagu soo daabacay Tv-ga Dr.dk.
no images were found
Barta Facebook Said Mansuur ayaa la xiray waxaan dowladda Danmark ay sheegtay in 4 wiig uu xirnaa doono Said Mansuur si baaritaano dheeraad ah ay u sameeyaan laamaha amaanka ee Danmark. Xisbiyadda aan jeclayn dadka Ajnabiga ah ayaa bilaabay in ay soo jeediyaan in Said Mansuur laga qaado Baasaboorka lagana saaro dalka Danmark. Halkaan ka eeg qoraalka lagu daabacay Tv-ga Dr.dk
Source: Dr.dk
Halgan.net