Saraakiisha maamulka Jubba oo ka tacsiyeeyay dilkii Ciise Kaambooni

February 19, 2014 - Written by Editor

alaakiKismaayo:-Saraakiisha ciidamada qalabka sidda ee maamulka Jubba ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeey falkii bahalnimada ahaa ee lagu dilay taliyihii Aminga, Ciise Kaambooni, asagana Eebe uga baryay inuu Janadiisa ku galadaysto. Sidoo kale saraakiishu waxay cadeeyeen inay gacan bir ah ku qaban doonaan amaanka guud ee magaalada, waxayna balan-qaadeen inaysan dib danbe u dhacaynin in saraakiisha maamulka Jubba la bar- tilmaameedsado.

Saraakiisha ciidanka ee maamulka Jubba ee  Tacsida diraya waxaa ka mid ah

1. Gen. Ismaaciil Saxardiid

2. Sh. Maxamuud Qaalib

3. Maxamed Sh. Tooshle

4. Cabdiraxmaan Xaaji Faarax

5. Axmed Ibraahin Saahid Niiniile

6. Qorane Raabi Carab

7. Mukhtaar Cabdiwali Raamsade

8. Xuseen Gamaadiid

9. Saalax Dheer

10. Cali Garden

Iyo dhamaan hogaanka ciidanka qaybahooda kala duwan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Saraakiishu waxay balan ku qaadeen inay amaanka adkaynayaan, wixii hadda ka danbeeyana ay guluf ku kicin doonaan goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Alshabaab oo ay sheegeen inay kansar ku noqdeen dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Axmed

<hormuud232@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online