Sheekh Dr. Bashiir Axmed Salaad ” Soomaaliyeey ileen sidan waa sameyn karnay” [Dhageyso]

February 20, 2014 - Written by Editor

Sheekh BashiirGaroowe:-Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, Dr. Bashiir Axmed Salaad, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ay muujiyeen isku duubnaan.Dr. Bashiir, oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay qaabkii culimadu u maamuleen dhaqaalihii loogu talagalay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay duufaantii kal hore ku dhufatay deegaanno Puntland ka mid ah, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen wax aad loogu farxo, taasoo uu ku tilmaamay mid yididiilo leh.

Sheekha, ayaa sheegay in reer Puntland shacab, dowlad iyo culimaba ay muujiyeen isku duubni, isagoona intaas ku daray in dadka kale ee Soomaaliyeed ay tusaale u yihiin.Guddoomiyaha ayaa sheegay in saddex arrimood looga baxay dhibaatadii duufaanta ee ka dhacday Puntland, kuwaasoo kala ah:-

1-Muslinnimo
2-Midnimo
3-Madaxbanaani

Sheekha, ayaa sheegay in sidoo kale dhibaatadii Puntland ka dhacday looga baxay, umadda oo ay hageen culimada iyo madaxda, wuxuuna carrabka ku dhajiyay in dadka Soomaaliyeed ay u gurmadeen, qof walba uu ka geystay wixii uu awooday.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Sheekha Dr. Bashiir Axmed Salaad

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
February 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online